Ciidamo horudhac u ahaa wafdiga Axmed Madoobe oo qarax lala beegsaday

Axmed Madoobe1

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo galabta ka baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa qarax la beegsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa kusii jeeday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, balse Al-Shabaab ayaa qarax la beegsaday xilli ay marayeen duleedka degmada Qooqaani, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu haleelay gaari Cabdi-bile ah oo ka mid ahaa kolanyada ciidamada Jubbaland.

Inta badan ciidankii saarnaa gaarigaas ayaa ku dhintay qaraxa, halka kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.

Ciidamada la qarxiyey ayaa u jeedka ay Dhoobley ugu socdaalayeen waxa uu ahaa in ay hor dhac u noqdaan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalmaha nasoo aadan doonaya in uu socdaal ku tago degmada Dhoobley.

Ciidamadan ayaa loo waayey diyaarad lagu geeyo Dhoobley, maadaama qaar ka mid ah deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Dhoobley, ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana lagu amray in ay xoog ku maraan dhulka ay Al-Shabaab uga suganyihiin inta u dhaxeysa Kismaayo oo ay ka bexeen iyo Dhoobley oo ay u socdeen.

Saraakiisha aan la hadalnay waxa ay noo sheegeen in Madaxweyne Axmed Madoobe uu maalmaha nasoo aadan safar dhul ah ku tegi doono degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, inkastoo qaraxii galabta kadib Jubbaland walaac badani kasoo wajahay suurta galnimada socdaalka Axmed Madoobe ee Dhoobley, sida aan xogta ku helnay.

Jubbaland ayaa gacanteeda laga saaray magaalooyinkii waaweynaa ee gobolka Gedo, kadib markii ay dowladda dhexe geysay ciidamo ay ka daabushay Muqdisho, waxayna hadda ku fara adeygeysaa gobolka Jubbada Hoose oo ku soo garay gacanteeda maamul.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa war ay kasoo saareen ku sheegay in askarta ay ku dileen qaraxa ay ku jireen laba sarkaal oo hoggaamin jiray ilaalada Axmed Madoobe, kuwaas oo mid kamid ah ay derajadiisa ku sheegeen Gaashaanlle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here