Ciidanka Xoogga dalka oo ka hortegay weerar Al Shabaab ay damacsanaayeen

kheyre ciidamo hawlgal4

Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in laga hortegay weerar Al Shabaab Damacsanaayeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Baraawe ayaana fashiliyey Duulaankaasi Shabaab damacsanaayeen sida ay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada iyo Ciidanka Hogaankooda wadajir u sheegeen.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga Baraawe ahna Kusimaha Gudoomiyaha Degmadaasi Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in Shacabka wada shaqeynta ay la leeyihiin sahashay in Ciidanku ka hortegaan weerarka.

Waxa uu sheegay in mar kasta Ciidamada Amniga u diyaarsan yihiin ka hortegaan qorshe walbo oo loo arkayo inay Al Shabaab soo maleegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here