Ciidanka Xoogga oo war ka soo saaray dagaallo ka dhacay saldhigyada Ceel-Saliini iyo Bariire

ciidanka danab

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray weeraro ay maleeshiyada Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada Ceel-Saliini iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa isku day ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo arbushaad ah, oo ciidamada dowladda ay iska caabiyeen.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in toban ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay weeraraka, islamarkaana tiro kale oo badan looga dhaawacay. Ciidamada waxay sheegeen inaysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in aad loo wiiqay awooddii Al-Shabaab ay u lahayd inay fuliso weeraro wax ku ool ah, taasina ay tahay sababta ay weeraradooda ugu fashilmeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin weeraradan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey u weeraray saldhigga Ceel-Saliini, waxaana kii ugu dambeeyey uu dhacay 19-kii Febraayo ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here