Ciyaar adag oo galabta Jigjiga ku dhexmari doonta Kooxaha Sool Star iyo Liyuu Star

soolstar

hayada SVO ayaa ku guuleysatay abaabulka ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmarka Kooxda Sool Star oo ku guuleysatay tartan ciyaaraa Kooxahaha Gobolka Sool iyo Kooxda Liyuu Star ee Caasimada Dawlad degaanka Soomalida Itoobiya ee Jigjiga.

Ciyaarta ayaa waxaa lagu qaban doona garoonka weyn ee Jigjiga Stadium, waana ciyaar saaxiibtinimo oo ay dadweynaha oo dhami daawan karaan, iyadoo galabta ay goobtaas tegi doonaan dadweynw farabadan oo taageerayaal u ah labada kooxood.

Ciyaartoyga Kooxda Sool Star oo shalay galab u gudbay dalka Ethiopia ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Gudoomiyaha SVO CABDIKARIIM SICIID AW CABDI, madaxa hayada SVO ee dalka Itoobiya Wasiir hore Yuusuf Garas, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland.

Ciyaartu waxay bilaaban doonta maanta oo bishu tahay 27.11.2019 saacadu marka tilmaamayso 3 galabnimo.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=499748237298413&id=193939464545960&sfnsn=mo&d=n&vh=e

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here