Culimada Kenya oo Uhuru ugu baaqay inuu arimaha Soomaaliya faraha kala baxo

farmaajo iyo uhuru

Guddoomiyaha golaha muslimiinta qaranka Kenya Sheikh Juma Ngao ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in dowladda Kenya ay tahay inay xushmeyso dowladda Soomaaliya islamarkaana ay u dhaafto inay maamulato arrimaha gudaha dalkeeda.

“Xiisadda u dhaxeysa labada dowladood waxay saameyeneysaa walaalaheen Waqooyi Bari Kenya. Waa in dowladda Kenya ay dib u fakartaa oo ciidamada ay kusoo celisaa dalkooda,” ayuu yiri Sheikh Ngao.

Waxa uu sidoo kale dowladda ugu baaqay inay dadkeeda badbaadiso intii ay halis ku hogaamin lahayd.

“Haddii ay ka walaacsan yihiin halista Al-Shabaab, waa inay xuduudeena dhigaan ciidamo, ma ahan inay ciidamo geeyaan gudaha dal kale. U dhaaf arrimahooda inay la tacaalaan,” ayuu yiri.

Khalid Cabdi oo isna ka mid ah culimada Kenya ayaa ka hadlay xiisadda gobolka.

“Waxa hadda ka dhaxeeya labada dowladood waxay si toos ah u saameyneysaa shacabka Kenya. Waa in dowladda ay joojisaa beenta ay noo sheegeyso. Haddii ay tahay in ciidamada lasoo saaro, waa inay sidaas sameysaa,” ayuu yiri Khalid.

Aqoonyahan kale oo Muslim ah oo lagu magacaabo Hashim Geedi ayaa dowladda Kenya ku eedeeyey mas’uuliyadda dhibaatada ka taagan Waqooyi Bari.

“Walaalaheen waxay ka qaxayaan guryahooda sababo amni darro dartood. Sidee dowladda ku ogolaan kartaa amni darro ku dhacda shacabkeeda,” ayuu yiri Hashim.

Baaqa culimada ayaa yimid kadib markii horraantii bishan ay sare u kacday xiisadda Mandhera, kadib markii xuduudda ay ku dagaalameen ciidamada Jubaland ee Mandhera ku sugan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled Xaawo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in booqasho aan weli waqtigeeda la shaacin uu ku tago Kenya, si uu ula kulmo madaxweyne Uhuru Kenyatta, ugalana hadlo xiisadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here