Culimada Mandheera oo dalbaday in C/Rasiid Janan iyo Maleeshiyadiisa deg deg looga saaro

cabdirashiid janan

Culilmada magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, oo shalay kulan isugu yimid, ayaa war kasoo saaray joogitaanka magaaladaas ee wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Ugu horeyn Sheekh Cabdullaahi Xuseen Buulle oo ah madaxa iimaamyada ee magaalada Mandhera, oo kadib kulanka la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay ka culimo ahaan cambaareynayaan ciidamada uu wato wasiir Janan oo uu sheegay in ay fariisimo ku leeyihiin inta u dhaxeysa magaalooyinka BB1 iyo Mandheera, isagoo dowladda Kenya ka dalbaday in ciidamadaas laga saaro gobolka.

“Waxaan cambaareyneynaa in ciidamada militeriga ah ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya in ay meeshaas noo fadhiyaan, mida kale ciidamadaas ninka hoggaamiya waa nin adduunka dhan uu isku waafaqay in uu yahay nin dad dhibaateeyey, marka nin aduunka dhan uu raadinaayo in magaaladeena Mandheera lagu dhex haayo waa sharci darro” ayuu yiri madaxa iimaamyada Mandhera Sheekh Cabdullaahi Xuseen Buulle.

Sheekha oo sii hadlaayey ayaa sheegay in waxa ka dhexeeya Soomaaliya ay iyaga u taallo, balse aysan aqbaleyn inay saameyso arrin ka dhex taagan dhinacyada Soomaaliya, sidaas darteedna uu Cabdirashiid Janan ugu baaqayo in uu ka tago dhulkooda oo gudaha Soomaaliya uu kula dagaalo dadka raadsanaya.

“Ninkan haduu rabo dowladda Soomaaliya in uu la dagaalamo, waddanka Soomaaliya gudihiisa hatago, hakula dagaalamo dowladda ha iska celiyo, laakiin magaalada Mandhera oo Kenya ah iyo guud ahaan mandiqaddeena in lagu hardamo ma dooneyno, waxaana taageer sanahay arintii ay horay ugu baaqeen madaxdeena”ayuu yiri mar kale Sheekh Cabdullaahi Xuseen Buule.

Sidoo kale Sheekh Axmed Suudaani oo ka mid ah culimada magaalada Mandheera ayaa isna sheegay in ay cabasho ka yihiin ciidamada sharci darrada ku jooga qeybo ka tirsan magaalada, oo uu sheegay in ay dhibaato kasoo gaari karto shacabka magaalada.

“Arrintaan oo aad ay uga hadleen madaxdeena anagoo taageereyna baaqoodii oo xoojineyna, waxaan ka codsaneynaa dowladda Kenya, in ay ka hor tagto khatarka kasoo socota meesha oo ay ciidankaas gobolka ka bixiso” ayuu yiri Sheekha.

Hadalka culimada magaalada Mandheera ayaa ku soo aadaya xilli ciidamadii ugu badnaa ay dowladda Soomaaliya geysay dhulka ku teedsan xuduudda Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya.

Dhanka ciidamo uu wato wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, oo baxsad ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, ayaa ku sugan gudaha gobolka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Mandheera, waxaana jirta cabsi dadka reer Mandheera ay ka qabaan ciidamada dowladda Soomaaliya in ay gudaha u galaan magaalada iyaga oo raadinaya Cabdirashiid Janan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here