Daadad ka dhashay roobabka ka da’ay Muqdisho oo sababay khasaare kala duwan

daadad roobab

Iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay roobab xoog leh ay ka da’een magaalada Muqdisho, kaasoo sababay daadad badan ayaa la soo sheegayaa inay ka dhasheen khasaare naf iyo maalba leh.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen roobabka ka dhashay daadadka, waxaana la soo badbaadiyay illaa saddex carruur ah oo ku soo dumay dhismo ay degenaayeen oo ah xaruntii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee degmada Boondheere.

Roobabka saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa saameynta ugu badan waxay ku reebeen dadka dan yarta ah, gaar ahaan barakacayaasha ku nool magaalada ee degan aqalada ka sameysan bacaha oo aan u adkeysan karin dhibicda roobka.

Waddooyin badan oo caasimadda ka mid ah ayay biyo badan dhigeen, waxaana hakaday isu socodka dadka iyo gaadiidka, meelaha ugu badan ee roobabka saameeyeen ayaa ka mid ah wadada Buulo Xuubey illaa Ceel Qalaw oo noqotay sidii webi oo kale.

Roobabka ayaa waxay sababeen inuu hakado isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, waxaana jira goobo ganacsi oo ay gudaha u galeen daadadka ka dhashay roobka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaalo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen roobabka iyo ka hortagida dhibaatooyinka uu sababay sida daadadka, waxaana xalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa ku guda jireen kormeerka goobaha ay saameeyeen roobabka, isagoo faray waaxyada gurmadka iyo laamaha dowladda hoose inay u istaagaan maareynta dhibaatooyinka ka dhashay roobabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here