Daawo Amiin Camir oo Sawir Murugo leh ka sameeyay Jubbaland iyo Madaxwaynaha Kenya

amin uhuru jubaland

Farshahanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa sawir murugo xambaarsan wuxuu ka sameeyay xaalada maamulka Jubblanad, wuxuuna ku muujiyey inuu dhibaato ba’an ku hayo maamulkaasi madaxwaynaha Kenya Uhuru kenyatta.

Sidoo kale sawirka waxaa ka muuqda Madaxwayneyaashii Hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Cabdikariim Guuleed oo dhowaan gaadhay halkaasi.

Diyaaraddii ay kismaayo ku tagteen ayaa la sheegay inay sifo sharci darro ah ku duushay, Waxayna taasi keentay in hada lagu xanibo Garoonka kismaayo.

Mudooyinkii dambe waxaa taagnaa Khilaaf ka dhashay Doorashadii Axmed Madoobe, kadib markii Dawladda Soomaaaliya iyo Beesha Caalamkuba ay shegeen inaysan sifo sharci darro ah ku dhacday.

Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS ayaa maalin ka hor soo saartay Habraaca Doorashada Madaxwaynaha iyo Xulista Baarlamaanka Jubbbaland, si ay mar kale u dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo.

amin uhuru jubaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here