Daawo RW Kheyre oo Shir jaraa’id uu caawa ku qabtay Villa Somalia kaga hadlay deyn-cafinta

kheyre 2020

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyeed Toos ula Wadaagaya Guusha laga Gaaray Qorshaha Deyn Cafinta Dalka.

Kheyre ayaa Sheegay in Hay,adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Horumarinta Afrika ay go,aansadeen in ay Soomaaliya ka cafiyaan deyntii ay ku lahaayeen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ay kala hadlayaan in ay deynta ka cafiyaan maadaama Hay,addihii lacagta adduunka ay cafiyeen.

Waxaa uu xusay in hadda ay Soomaaliya ay u furan tahay in ay si toos ah ula macaamisho Hay,addaha lacagta Aduunka.

Kheyre ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen bixinta mushaaraadka Shaqaallaha dowladda iyo Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here