Dadkii isticmaalay FaceApp oo war naxdin leh loo sheegay

faceapp

Hay’adda dambi baarista federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in adeegga FaceApp iyo kuwa noociisa ah ee lagu sameeyay waddanka Ruushka ay sababi karaan “khatar weyn oo dhinaca sirdoonka ah”.

Hadalkan ayaa lagu sheegay warbixin loo diray Senetor u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Chuck Schumer, kaasoo horay uga dalbaday FBI-da inay baaritaan ku sameyso arrintaas.

Barnaamijkaas wajiyada dadka lagu baddalo ayaa aad loo isticmaalay horaantii sanadkan, balse wuxuu markii dambe dhaliyay walaac la xiriira dhinaca sirta shakhsiyadeed.

Warka kasoo baxay hay’adda FBI-da ayaa yimid xilli Mareykanka iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah uu ka taagnaa walwal la xiriira khatarta amni ee ka dhalan karta teknoolojiyadda ay adeegsadaan waddamada dibadda.

Warqadda loo diray Mr Schumer, ayey hay’addu ku tiri; “waxay arrintan khuseysaa barnaamij kasta oo telefoon lagu soo dajisan karo ama wax kasta oo noocaas ku saabsan oo lagu farsameeyay gudaha Ruushka, sida FaceApp, waxaana laga yaabaa inay keenaan halis dhinaca sirdoonka ah”.

Arrintan ayaa ka dhigan in barnaamijyadaas lagu xadi karo xogta dadka isticmaalay, sidoo kalena sawirradoodu aysan amnigooda sugneyn.

FBI-da waxay kaloo sheegtay inay tallaabo qaadi doonto haddii ay hesho wax caddeymo ah oo muujinaya in sirdoonka waddamada qaar ay faragalin siyaasadeed sameynayaan iyagoo adeegsanaya barnaamijyada ceynkaas ah.

Mas’uuliyiinta barnaamijka caan baxay ee FaceApp ayaan wali ka jawaabin codsi aan ugu dirnay inay ka hadlaan arrintan.

Barnaamijkan waxaa markii ugu horreysay daahfurtay shirkadda Wireless Lab,oo uu fadhigeedu yahay magaalada St Petersburg.

Horay waxay shirkaddaas u sheegtay inaysan keydinin sawirrada dadka isticmaala barnaamijkeeda, wax xog ahna aysan aruurinin.

Iyagoo faahfaahinayay sida uusan walaac uga iman karin adeeggooda ayey sheegeen in sawirrada ay falgaliyaan kadibna ay iska masaxaan.

Xuquuqda Sawirka @SenSchumer@SENSCHUMER

Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka Senate-ka Mareykanka, Mr Schumer ayaa bishii July codsaday in la baaro hannaanka uu ku shaqeeyo barnaamijka FaceApp ka dib markii walaac aad u xooggan la muujiyay.

Mareykanka gudihiisa ayaa hadda si weyn looga cabsi qabaa khatarta ka iman karta tiknoolijiyadda dibadda.

Dhawaan, xildhibaannada ayaa ka hadlay adeegga kale ee lagu magacaabo TikTok, kaasoo ah mid muuqaallada la iskula wadaago oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Barnaamijkaas, oo la rumeysan yahay inay isticmaalaan qiyaastii nus bilyan ruux oo caalamka ku kala sugan ayaa caan ahaa sannadihii lasoo dhaafay.

Caannimadaas ballaaran ayaa sababtay walaac ku abuurmay suuqyada waddammada reer galbeedka, maadaama adeeggaas laga leeyahay Shiinaha.

Sharcidajiyeyaasha Mareykanka, oo uu ka mid yahay Mr Schumer, ayaa bishii October dalbaday in hay’adaha sirdoonka ee waddankaas ay sameeyaan tijaabooyin la xiriira khatarta ay adeegga TikTok iyo kuwa kale ee laga leeyahay Shiinaha ku keeni karaan amniga qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here