Dagaal culus oo ka qarxay Janaale iyo ciidamada DF Somalia oo gudaha u galay

sagootin ciidan4

Wararka hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka qarxay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dawladda ay weerar ku qaadeen magaalada, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku jiraan magaalada, oo ay dhinac ay ka qeybsadeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in rasaas laga maqlay bartamaha magaalada taasi oo u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga dawladda oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in qorshuhu yahay in ciidamada dawladdu ay qabsadaan lana wareegaan gacan ku haynta Jannaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here