Daily Nation: Al-Shabaab oo qabiil u kala qeybsamay

shabaab sarkaal

Waxaa sii ballaaranaya khilaafka ka dhaxeeya kooxda Al-Shabaab, kadib markii la ceyriyey laba hogaamiye oo ka tirsanaa madaxda kooxda, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation ee Nairobi.

Wargeyska ayaa sheegay in warbixino sirdoon ay sheegayaan in hoggaamiyayaasha kooxda ay u kala jabeen saf qabiil, kadib markii la isku qabtay qeybsiga kheyraad.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu xanuunsanayo, islamarkaana uu xilalka ka qaaday Bashiir Qoorgaab iyo Mahad Karate. Xogtan ayaa waxaa sidoo kale horey u sheegtay hay’adda NISA.

“Waxaa la isku qabsaday dhaqaale ka mid ah canshuurta kooxdan soo gasha. Waxaaa jira in madaxda qaar ay ka carroodeen sida beelaha qaar loola dhaqmo,” waxaa sidaas yiri qofka lagu soo xigtay xogtan.

Xubnaha carreysan ayaa la sheegay inaysan ku qanacsaneyn sida hoggaanka Al-Shabaab u canshuuro islamarkaana ula dhaqmo ganacstada beeshooda.

Wargeyska ayaa sheegay in taliye sare oo ka tirsan Al-Shabaab uu aas-aasay koox fallaago ka ah Al-Shabaab, si uu uga dagaalamo caburinta lagu hayo beeshiisa ee ah canshuurta joogtada ah. Lama magacaabin hoggaamiyahan.

Sanadii tagtay, Zubair al-Muhajir ayaa ka goostay kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay “hareer mareen Islaamka iyo Qur’aanka”.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadli khilaafyadan la sheegay inay ka dhex jiraan hoggaanka kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here