Dalka Kenya oo qaaday tallaabo uu kaga hortegayo weerarada Al-Shabab

kenyan police

Basaska ka howlgala degaanada hoostaga gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa lagu amray in ay gal-biyaan ciidamo boolis ah, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Taliyaha booliska gobolka, Maxamed Biriq, ayaa sheegay in talaabadan ay salka ku hayso badbaadinta rakaabka.

Biriq ayaa carabka ku dhuftay in darawaladii aan u hogaansamin amarkan cusub ay xabsi u taxaabi doonan.

Go’aankan ayaa si gaar ah u quseeya Basaska adeegsada wadada isku xirta Garissa-Holugho, Garissa-Liboi iyo Garissa-Wajir.

Talaabo noocaan ah ayey Kenya horey u soo saartay, balse darawaladda qaarkood ma aysan dhaqangelin, waxaana taliye Biriq uu caddeeyay in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkaas.

“Waa ayaan darro in darawaladda qaarkood ay kasoo horjeesteen. Hase ahaatee, doorkan ma ogolaan doono in waxay doonan ay sameeyaan,” ayuu Biriq yiri xili uu saxaafada kula hadlay Garissa.

Laba todobaad kahor ayey ahayd markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadey Bas ku socdaalayey wadada Kutulo-Wargadud, halkaas oo ay ku dishay sideed askari, laba macalin iyo dhakhtar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here