Dalka Kuwait oo ku baaqay in aan lagu xadgubin madax bannaanida Soomaaliya

kuwait flag

La-taliye sare oo ka tirsan dowladda Kuwait ayaa si aad ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarada ay sameysay, isagoona ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka inay muujiyaan midnimo, wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal.

Nawaf Al-Ahmad, oo ah la taliyaha wafdiga Kuwait ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulo wax ka ool ah ay gaartay Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in la taageero, si looga mira dhaliyo dadaalada xoogan ee hadda socda.

Ergayga dowladda Kuwait ayaa sidoo kale bogaadiyay qorshaha ay wado dowladda Soomaaliya ee qabsoomidda doorashooyin guud sanadka 2020-ka illaa 2021-ka.

Sidoo kale Mr Nawaf ayaa ka dalbaday xubnaha dalalka beesha caalamka in aysan ku xadgudnin madaxbanaanida dhuleed iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in laga taageero xasilinta guud ahaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inuu soo dhoweynayo muddo kordhinta lagu sameeyey cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay markale ku dareen muddo hal sano ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso dhibaatooyin kala duwan oo dabadda ka wadaan dowlado shisheeye oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here