Dambiyada uu Maxamed Bin Salmaan galay intuu talada hayey oo lasoo bandhigay

mohamed bin salmaan

Human Rights Watch ayaa markale waxay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ku eedeysay in uu sii xoojinayo cadaadiska iyo xariga uu kula kaco dadka siyaasad ahaanta ka soo horjeeda.

Ururkan caalamiga ah ee Human Rights Watch ayna xaruntiisuna tahay Washington, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu qaaday wado xun oo uu ku aamusiinayo dadka mucaaridka ah ee ka aragtida duwan.

Ururkaa ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in muddo ay diiwaan galinayeen marag kacyo iyo muuqaalo ka hadlaya ‘cadaadiska xoogan ee uu Maxamed Bin Salmaan ku kaco, isla markaana loo haysto’.

Waxayna xustay Human Rights Watch in intii uu talada la wareegay dhaxal sugaha boqortooyadu ee badh-tamihii 2017 ay luntay isla xisaabtankii Mas’uuliyiinta ugu sareysay dalkaasi.

Ururka ayaa sidoo kale waxa uu soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay ‘Qiimaha culus ee isbedelka’, kaasi oo uu uga hadlayey faa’iido darooyinka laga dhaxlay inuu Maxamed Bin Salmaan la wareego talada Sacuudiga.

Human Rights Watch ayaa waxa kale oo ay ku dhaliishay Maxamed Bin Salmaan wax ay ugu yeertay ‘dib u habeynta lagu sameynayo haweenka iyo dhalinyarada’ midaasi oo loo arko in ay sarre u kacday inta uu hago talada wadanka.

Ururka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu iftiimiyey in dalka Sacuudiga uusan ka jirin sharci adag, balse ay sidii doonan ka yeelaan ayna wiiqi karaan hogaamiyayaasha siyaasada boqortooyada dalkaasi.

Maxamed Bin Salmaan, Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa inta badan waxa lagu eedeya in uu ka taqaluso cidkasta oo ka hor-timaada siyaasadiisa, iyadoona ay ugu dambeysay dilkii arxan darada ahaa ee Wariye Jamaal Khashoggi, oo si weyn loola xiriiriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here