Dawladda Soomaaliya oo la filayo inay mamnuuci doonta qaadka Kenya

qaad

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dawladda Soomaaliya ka fekerayso inay guud ahaanba dalka ka mamnuucdo qaadka dalka Kenya, kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dal oo ku maran xuduuda badda.

Talaabadan ayaa haddii aan isbedel imaan la filayaa in la qaado maalmaa soo socda.

Soomaaliya ayaa maalin walba qaad aad u farabadan ka soo dhoofsata dalka Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku mashquulsan siday talaabooyin ay ka aargudanayso xadgudubyada ay Kenya ku hayso dalka Soomaaliya, iyadoo horey u mamnuucday shirarkii lagu qaban jiray Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here