DF oo deg deg ugu yeertay mas’uuliyiin ku dhex dagaallamay Safaarada Soomaaliya ee Suudaan

astaanta soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed oo Khilaafka ka dhex taagan uu sababay gacan ka hadal ku dhexmaray Gudaha Safaaradda.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Iyadoo la tixraacayo, arrimaha aan fiicnayn ee naga soo gaarayo safaaradda aad mas’uulka ka tihiin, una dhaxeeya danjiraha iyo la-taliyaha 1-aad, ayaa waxaa la idinku wargalinayaa, in aad dalka kusoo laabataan muddo dhan 4 maalmood oo ka bilaabanaysa 21/02/2020 kuna eg 25/02/2020.”

“Haddaba, waxaa si xushamd ku jirto la idinka codsanayaa inaad dhowrtaan ujeedada kor ku xusan, kuna timaadaan waqtiga la idiin tilmaamay gudahiisa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here