DF oo Hubkii ugu badnaa ka dejisay Magaalo xeebeedka Hobyo ee Galmudug

ciidanka somalia hub

Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen Doonyo siday Hub fara badan, kuwaasoo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayana doonyahan hubka siday ayaa la sheegayaa in dowladda Federaalka ay ugu tala gashay Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhowr Doonyood oo hub fara badan siday laga dejiyay Xeebta Hobyo, isla markaana gawaari kuwa xamuulka ah lagu daad-gureeyay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in hubkan la geeyay Hobyo lagu howlgelinayo Ciidamada xoogga dalka, si ay deegaanada Galmudug uga bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Bilihii la soo dhaafay dowladda Federaalka ayaa ciidamo iyo hub ku daabuleysay deegaanada Galmudug, iyadoo boqolaal askari ka dejisay magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here