DF oo ku dhowaaqday in xayiraaddii duulimaad laga qaaday Kismaayo

airport Kismaayo

Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa caawa ku dhowaaqday inay si rasmi ah u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo, sida uu yiri.

“Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in iminka ka dib ay duulimaadyada magaalada Kismaayo lamid noqon doonaan duulimaadyada kale ee ka hawlgala magaalooyinka kale ee dalka.

Tani ayaa ku soo aadaya, xilli xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay maalmahihii la soo dhaafay ku xanibnaayeen magaalada Kismaayo.

Hay’adda Duulista Hawada Somaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in si ku meel gaar ahi loo joojiyay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, muddo saddex maalmood ah.

Si kastaba, waxaa weli qasab ah in duuliimaadyadii Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee dalka iyo kuwii dibedda iyo Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here