DF oo maalintii labaad oo xiriir ah hub iyo ciidan geysay Gedo

gorgor gedo

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markale ciidan, hub iyo gaadiid dagaal ka dajisay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ku biiraya ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi, gaar ahaan kuwii shalay la geeyey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka mid ah yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Si kastaba Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dib uga billowday Gedo ayaa farriin culus u dirtay beesha caalamka, waxaana ay shaaca ka qaaday in arrintan ay caqabad ku noqon karto in heshiis laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here