Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tirada kiisas cusub ee Coronavirus, ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey Soomaaliya, kuwaas oo aad u badan.
Warbixinta maalin laha ah ee wasaaradda ayaa maanta lagu shaaciyey in cudurkaas laga helay 79-qof oo ku kala nool Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Gobolka Banaadir ayaa ugu kiisas badan, waxaana laga diiwaan geliyey sida ku xusan warbixinta 38-kiis, Jubbaland ayaa laga diiwaan geliyey 22-kiis, Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 11-kii, halka Puntland laga diiwaan geliyey 8-kiis oo xanuunka COVID-19 ah.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurkan ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay u geeriyoodeen 3-qof, inta la ogyahay, halka ay kasoo bogsadeen 14 qofood.
62 ka mid ah 79-ka qof ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 17-ka kale ay dumar yihiin.
Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 835-kiis, dadka kasoo bogsaday ayey tiradoodu gaartay 75 qofood, halka 38-qof ay ugu dhinteen xanuunkan gudaha Soomaaliya.