DF oo soo saartay go’aan ka dhan ah duulimaadyada Kenya iyo Kismaayo

0
airport Kismaayo

Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo.

Warqadda kasoo baxday qeybta adeegga akhbaaraadka duulimaadyada hay’adda ee FIS, ayaa lagu yiri “Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay.”

“Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho.” Ayuu qoraalka intaas ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo, mana jirin wax qoraal ah rasmi ah oo go’aankaas lagu beddelay oo dib uga soo baxay. 5-tii bishan ayaa waxaa amarkaas jebiyey diyaarad ka timid Nairobi oo tagtay Kismaayo.

Qoraalkii hore ee dowladda ayaa ahaa mid guud, hase yeeshee qoraalka caawa soo baxay ayaa waxaa ku cusub in si gaar ah loogu xusay duulimaadyada ka imanaya Kenya.

Hoos ka aqriso qoraalka caawa soo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here