DF oo war kasoo saartay go’aanka ay ICJ dib ugu dhigtay kiiska badda

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ), ee ay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka Maxkamadda ICJ oo noqonayo mid kama dambeys ah.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horey u diiday in dib loo dhigo kiiska badda, ha yeeshee aanay ka weynayn go’aanka Maxkamadda.

“Dowladda Soomaaliya horey ayay u diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, balse aanay dowladdu ka weynayn go’aanada Maxkamadda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya.

Maxkamadda ICJ ayaa waxay go’aansatay in dhageysiga dacwadda la amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka 2020.

Go’aanka Maxkamadda ayaa lala wadaagay labada dowladood, si ay u soo diyaarsadaan wixii dood iyo cadayn ah, ee ay la hortaggayan Maxkamadda.

Waa markii labaad oo Maxkamadda ICJ ay dib u dhigto kiiska murunka badda la xiriira, ka dib codsiyo uga yimid Dowladda Kenya.

#SNTVMuqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Go'aanka Maxkamadda cadaaladda aduunku ka soo saartay dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ee horyaala maxkamadda.

Slået op af Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed i Torsdag den 17. oktober 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here