DF Somalia oo ciidamo iyo hub kale Dhuusamareeb geysay

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka markale diyaarado siday hub iyo ciidan ka dajisay garoonka Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo ah kuwa dheeraad ah ayaa ku biiri doono kuwa kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan magaaladaasi.

Dowladda federaalka ayaa xoojisay dhaq dhaqaaqyada ay ka wado Dhuusamareeb, kadib heshiiskii ay la gashay Ahlu-Sunna.

Maalin ka hor ayey aheyd markii labo diyaaradood oo siday ciidamo la geeyey halkaas, kuwaas oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filayo in la qabto shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here