DF Somalia oo jawaab kulul ka bixisay go’aankii Kenya una yeertay safiirka dalkaas

somalia kenya flag

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay Safiirka Kenya ee Muqdisho Lucas Tumbo.

Soomaaliya ayaa danjire Tumbo ku wareejisay qoraal cabasho ah oo ay kaga dacwooneyso Soomaaliya war lagu daabacay bogga Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

27kii Bishan  Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal.

Hadalkaas ayaa loo arkay inuu yahay culeys siyaasadeed oo ay Dowladda Kenya saareyso Soomaaliya.

Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya.

Kenya ayaa dhaleeceyn badan kala kulantay baraha bulshada markii ay adeegsatay weedha labada dal,waxaana ku xigtay warqadda maanta ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Cabashadaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu weli mugdi ku jiro  Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya ka xumaatay dacwadii ay Soomaaliya u gudbisay ICJ ee ku aadaneyd muranka ay Kenya gelisay Badda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso dacwadda ay Somalia u gudbisay Kenya 

War Saxaafadeed (Faafin deg deg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
July 01, 2019

Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau.

Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here