Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Jabuuti ayaa lasoo geba-gebeeyey ayada oo dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo horudhac ah.
Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey shan qodob, kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi,.
Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ay kala yihiin:-
Dowladda federaalka waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudahga Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxiixay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ugu magacaaban wasiirka arrimaha dibedda.
Sawirro.