Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bogaadiyey Carwada Buugaagta ee Laascaanood.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa qaban-qaabiyeyaasha, kasoo qeyb-galayaasha, qorayaasha iyo maalgeliyayaasha Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Laascaanood (Lasanod International Book Fair) oo lagu qabtay magaalada laascaanood.
Bandhigyada nuucaan ah waxay ahmiyad gaar ah u leedahay dhammaan bahda waxbarashada, kaasi oo xoojinaya fahamka farta, wax akhriska, aqoonta iyo cilmiga lagu horumarinayo bulshada.
Waxaan aad u dhiirragelinayaa koritaanka aqoonta iyo ahmiyadda lasiinayo in bandhigyada nuucaan ah lagu soo bandhigo gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada dalka. Waxaan rajeynayaa in magaalooyinka kale ee dalka u diyaar garoobaan ka hirgelinta deegaanadooda bandhigyo nuucaan ah”