DF Soomaaliya oo ka fakireysa inay xayiraad ku soo rogto Kenya iyo Itoobiya

astaanta soomaaliya

 Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wado qorshe ballaaran oo ay uga hortageyso cudurka dilaaga ah ee Corona.

Axmed Macalin ayaa carabka ku dhufay inay qaadeen tallaabadii ugu horreysay, kadib markii Soomaaliya laga mamnuucay dadka ka imaanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran oo ka mid dalalka uu sida ba’an u saameeyey xanuunka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda dowladdu ay ka fakireyso sidii xayiraad loo saari lahaa wadamada Kenya iyo Itoobiya oo laga helay kiisas la xariira Fayruska Corona.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ka fakireysaa xayiraadda Itoobiya iyo Kenya oo laga helay Coronavirus, 24-saac mar ayaan isugu imaanaa shir oo aan kaga hadalno sida laga yeelayo xaaladaha isa soo taraya ee faafidda Corona”. ayuu yiri Axmed Macalin.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay si joogta ah ula socon doonaan dalalkaasi oo min hal kiis oo cudurka laga helay.

“Si joogto ah ayaan isha ugu heynaa dalalka Kenya iyo Itoobiya, hal kiis laguma qaadan karo go’aan degdeg ah, balse waxa aan kor kala soconaa sida uu ku faafayo, kulan ayaa maanta isugu imaaneynaa si aan go’aanka ugu dambeeyo ka gaarto arrintaan” ayuu sii raaciyey Mudane Axmed Macalin maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo looga hortagayo cudurka Coronavirus, iyadoo shaqaale caafimaad oo baaris sameynaya dhigtay garoonka Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here