DF Soomaaliya oo mar kale ciidamo badan geysay Gedo

sagootin ciidan4

Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay gobolkaasi.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dajiyey degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale askartan ayaa ku biireysa ciidamo isugu jira boolis iyo militeri oo horay u joogay magaaladaasi, degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dhaq-dhaqaaqyo xoogan haatan laga dareemayo Doolow iyo deegaanada hoos yimaada, kuwaas oo ay wadaann ciidamadaan ciidanka Gorgor, kuwa Haramcad iyo milatariga Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Dhinaca kale taliyaha xasilinta gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka dhaq-dhaqaaqyadaasi uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here