DF Soomaaliya oo shaacisay inay howlgallo ku dishay saraakiil Al Shabaab ka tirsan

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gallo ciidamada milatariga ay ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Axmed Xasan Siyaad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in toban ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen duleedka deegaanka Bariire.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha la dilay ay ku jiraan labo sarkaal oo sar-sare, walow uusan carab dhabin magacyadooda.

“Cadowga Ummadda Soomaaliyeed waxay wajahayaan cadaadis xoogan, waxaana ciidamadda sii laba jibaarayaan howlgaladooda,” ayaa yiri taliye Axmed Xasan Siyaad.

Dhanka kale ma sheegin haddii dhankooda uu wax khasaare ah ka soo gaaray dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here