Dhakhtar Soomaalida u jeediyay talo muhiim ah oo ku aaddan Caabuqa Corona

Coronavirus

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiskii ugu horreeyay ee Caabuqa Corona ah, xilli cudurkan uu si weyn ugu sii faafayo dunida oo dhan.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay Fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga billaabo 19-ka bishan la hakinayo duullimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya taga ama ka baxa, kuwaasoo xayirnaan doona muddo 15 maalmood ah.

Tallaabadan oo saameyn weyn yeelaneysa ayaa loo qaaday si loo xakameeyo Caabuqan dhimashada sababa.

Muxuu yahay Caabuqa Corona, sideese lagu kala qaadaa?

Dr Cabdiraxmaan Maxamuud Warsame, oo ku takhasusay cudurrada faafa, kana tirsan Jaamacadda Seyniska Caafimaadka ee Boosaaso, ayaa sharraxay xanuunkan, wuxuuna bidhaamiyay sida ugu sahlan ee la isaga ilaalin karo.

Isagoo la hadlaya BBC-da ayuu yiri: “Covid-19 wuxuu ka mid yahay bahda cudurrada fayraska ah ee loo yaqaanno Coronavirus. Waxay isku nooc yihiin cudur hadda ka hor Sacuudiga laga helay oo kasoo billowday geela iyo mid laga helay Shiinaha oo ka soo billowday bisadaha, dhammaantoodna waxaa la ogaaday inay yihiin cudurro asalkooda kasoo billowday xayawaanka kaddibna u gudbay bani’aadanka”.

Sidee lagu kala qaadaa?

“Cudurkan wuxuu kuu gudbi karaa in faniinka qof qaba xanuunka uu kusoo gaara marka uu qufacayo ama hindhisayo iyo qof qaba fayraska oo ku salaama ama meel uu taabtay aad adiguna taabatid,” ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan.

Wuxuu sidoo kale khabiirkan sharraxay in gacmaha dhidida lagu kala qaadi karo Caabuqan iyo in kale.

“Inkastoo cudurkan uu muddo gaaban jiro, ilaa hadda lama hayo daraasad muujineysa in maqaarka lagu kala qaadi karo, waxa kaliya ee la hubo waa in uu kaaga gudbi karo meelaha uu jirka ka duleeyo, sida sanka, afka, iyo indhaha”, ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu dadka ku boorriyay inay intii karaankooda ah ka feejignaadaan, kuwa uu haleelana ay isku dayaan inaysan sii faafinin.

Dhanka kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in Caabuqan uu la mid yahay sida hargabka, ayna inta badan isku calaamado yihiin, tirada dadka u dhintayna ay aad u yartahay.

Hadalkaas ayaa meesha ka saaraya warar been abuur ah oo la isla dhex marayay, kuwaasoo sheegayay in qofkii uu cudurkan ku dhaco uu durba u dhimanayo.

Waddamada uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay cudurkan ayaa soo tabiyay in dadka ugu badan ee u dhintay ay yihiin kuwa waayeelka ah.

Talada Dr Cabdiraxmaan Maxamuud

Dr Cabdiraxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyay talooyin dhowr ah oo ka caawin kara inay xanuunkan ka fogaadaan.

“Marka shakhsi ahaan loo eego, dhammaan dadka waxaan kula talinayaa inay raacaan talooyinka saraakiisha caafimaadka iyo dowladda. Ha iska daayaan walwalka iyo wararka baqdinta abuuraya, qofka marka uu qufacayo ama hindhisayo gacmihiisa ha ku daboolo afka iyo sanka, kaddibna ha iska dhaqo gacmaha. Gacmaha ku dhaqo saabuun iyo biyo ama isticmaal dareerayaasha kale ee loogu talagalay inay jeermiska dilaan. Sidoo kale dadka guryaha joogana ha isticmaalaan waxyaabaha jeermiska dila, oo ha ika mariyaan miisaska dushooda, albaabada iyo wax kasta oo ay gacmahooda saari karaan”.

Dalalka dariska la ah Soomaaliya ee kala ah Itoobiya iyo Kenya ayaa laga soo tabiyay kiisas cudurka Corona ah.

Dalka Tanzania oo isagana ka mid ah dalalka bariga Afrika ayaa maanta xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay.

Caabuqan ayaa dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay kasoo billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Hase ahaatee fiditaankiisa ayaa hadda dalalka caalamka uga socda si ka dhakhso badan sida uu ugu fidayay gudaha Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here