Dhakhtarkii digniintii ugu horeysay ka bixiyey coronavirus oo cudurkii dartiis u dhintay

dr Li Wenliang

Dhaktar u dhashay waddanka Shiinaha oo isku dayay inuu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu dillaacay, ayaa ugu dambeyn u geeriyooday isla cudurkaas oo markii dambe ku dhacay, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

Li Wenliang wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Booliska ayaa markaas ka dib ku booqday gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas’uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub.

Coronavirus ayaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 560 ruux, wuxuuna soo ritay dad kor u dhaafaya 28,000 oo reer Shiine ah.

Caabuqan ayaa sababa xanuun saameyn xoog leh ku yeesha habsami u socodka neef mareenka, calamadihiisuna waxay inta badan ka billowdaan qandho, kaddibna waxaa kusii xigsada qufac angagan.

Inta badan dadka uu haleelay ayey u badan tahay inay kasoo kacaan – iyagoo noqonaya sida inuu hargab ku dhacay oo ay ka reysteen.

Maxay tahay Sheekada ku saabsan dhakhtarkan?

30-kii bisha December wuxuu farriin u diray dhakhaatiirta ay shaqa wadaagga yihiin isaga oo farriintiisa ku sheegay cudurka dillaacay waxa uu yahay, si ay isaga ilaaliyaanna ay xirtaan dharka iyo qalabka cudurkaasi looga hortagi karo.

Balse dhakhtarku xilligaasi ma ogeyn in cudurkaasi uu yahay caabuqa cusub ee coronavirus.

Waxaa xilligaaasi la sheegayay in cudurka uu ka yimid suuqa lagu iibiyo hilibka xayawaannada badda, oo ku yaalla Wuhan, iyada oo bukaanada cudurka laga helayna Isbitaalka lagu karantiilay.

Afar maalmood kaddib waxaa u tagay mas’uuliyiin ka socday xafiiska sirdoonka bulshada iyaga u sheegay inuu saxiixo warqad ay sideen. Waxaana warqadda inuu saxiixa laga dalbaday lagu soo eedeeyey “Inuu warar been abuur ah oo khaldan faafinayay” taasoo wax u dhintay “xasiloonida bulshada”.

“Waxaan kaaga digeynaa: haddii aad ku sii socota bulshada inaad marin habaabiso, dhaqan xumida iyo inaad falkan sharci darrada ku sii socoto in caddaaladda lagu horgeynayo ma fahantay? Warqadda qaybteeda hoosana Dr Li ayaa ku qoray “Haa, waxa aad iga dalbateen waan sameeynayaa.”

Wuxuu Dr Li ka mid yahay siddeed qof oo ay booliska baaritaan ku sameeyeen oo ay ku eedeeyeen “iney baahiyeen warar aan jirin”.

Dhammaadkii bishi January Dr Li wuxuu barta xiriirka bulshada ee Weibo ku daabacay nuqul ka mid ah warqadda ay booliska u geeyeen, isaga oo weliba sharraxaad ka bixiyay waxa dhacay. Waxyar kaddibna laamaha ay quseyso wey ka raalligeliyeen wixi dhacay isaga oo sheegay iney raalli gelintooda la soo daaheen.

Markii uu 10-kii January warqadda soo dhigay bartiisa Weibo wuxuu billaabay inuu qufaco, maalintii xigtayna xummad ayaa qabatay, laba maalin kaddibna isbitaalka ayaa la dhigay. Sidoo kale waalidiintiisa oo iyaguna bukooday waxaa la dhigay isbitaalka.

10 maalmood kaddib oo ku beegneyd 20-ka January Shiinaha wuxuu shaaaciyey inuu dalkiisu ka dillaacay cudurka coronavirus, islamarkiina waxaa billowday howlaha gurmadka.

Dr li wuxuu sheegay in marar badan laga baaray cudurka Cornovirus balse baaritaannada lagu sameeyey oo dhan looga waayay cudurka.

30-kii bishii January wuxuu mar kale baahiyey farriin: “Baaritaan kale oo lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu cudurkii uu markii ugu horreysay ka digayay haleeyay, kaddibna sidaa ayaa dawo loogu billaabay.”

Farrinta ugu dambeysay ee uu baahiyeyna kumannaan dad ah ayaa ka tala dhiibtay iyada oo dad badanna ay taageero u muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here