Dhimashada COVID-19 ee Somalia oo sii korortay iyo dadka qaba oo dhaafay 500

0
Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay tiro cusub oo dad ah oo laga helay cudurka Coronvirus iyo kuwa kale oo dhintay..

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka eyey maanta ku xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland.

31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here