Dibadbaxyo waaweyn oo ruxay Caasimada Ruushka ee Moscow

kremlin moscow

In ka badan 600 oo ruux ayaa xabsiga loo taxaabay shalay, ka dib markii ay dibadbaxyo aan fasax loo heysanin ka dhaceen magaalada Moscow ee caasimadda u ah dalka Ruushka.

Waxaa sidoo kale lasoo tabiyay qalalaase u dhaxeeya ciidamada booliska iyo mudaharaadeyaasha.

Dadka bannaan baxaya ayaa isugu tagay meelo kamid ah caasimadda, iyagoo tallaabadan qaaday markii ay mas’uuliyiinta dalkaas aqoonsigii kala noqdeen tiro kamid ah musharraxiinta mucaaradka ee isku diyaarinayay doorashooyinka maxalliga ah.

Lyubov Sobol, oo ah haweeney ka mid ah shakhsiyaadka xuquuqda dadka u dooda oo si weyn looga yaqaanno dalkaas ayaa la xiray xilli ay damacsaneyd inay ku biirto dibadbaxyada oo ay ka qeyb qaadanayeen ilaa 1,500 oo ruux.

Muuqaal laga soo duubay mudaharaadka ayaa laga arkayay ciidamada booliska oo ulahooda u isticmaalaya mudaharaadeyaasha, halka qaarkoodna ay xabsiga u taxaabayeen.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa markii hore sheegay in tirada dadka la xiray ay tahay 30 ruux oo kaliya, dibadbaxana ay ka qeyb galeen 350 qof.

Hay’ad kormeer ku sameysa xariga dadka oo lagu magacaabo OVD-Info ayaa sheegtay in dadka la xirxiray ay ka billowdeen tobannaan balse ay markii dambe gaareen boqollaal.

Booliska ka hortagga rabshadaha ayaa lagu sii daayay caasimadda, waxayna dadka uga digeen inay dibadbax sameeyaan.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa soo tabisay in hal askari la dhaawacay isagoo isku dayaya inuu dad xirxiro.

Balse mudaharaadeyaasha ayaa sidoo kale soo tabiyay in boolisku ay si arxan darro ah ula dhaqmeen.

Muuqaal laga sii daayay telefisnka Ruushka, markii dmabena lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay booliska oo dadka bannaanbaxaya dhulka ku muquuninaya, iyagoo haraanti iyo ulo la dhacaya.

Nin ayaa telefisnika Dozhd u sheegay in qof mudaharaade ah laga soo bixiyay gaariga booliska, si loo garaaco, sababta uu ku muteystayna ay ahayd inuu askarta weydiiyay magacyadooda.

Dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay, booliska ruushka ayaa xabsiga dhigay in ka badan 1,000 qof oo dibadbax ka qeyb qaadanayay, howlgalkaas ayaana ka mid ahaa kuwii ugu weynaa ee dhacay muddo sannado ah gudahood.

Carada ayaa dhalay ka dib markii ay Mas’uuliyiinta doorashada xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabyada mucaaradka ka mamnuuceen inay u istaagaan doorashada maxalliga ah ee qorshuhu yahay inay Moscow ka dhacdo 8-da bisha Sitember.

Saraakiisha ayaa sheegay in saxiixyo badan oo ay musharaxiinta la mamnuucay gudbiyeen ahaayeen kuwo been abuur ah. Balse dibadbaxayaasha ayaa sheegaya in dadkaas meesha looga saaray arrimo siyaasadeed awgood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here