Diiwaangelinta casriga ah ee ciidamada Soomaaliya

Ururkii 3aad Kumaandooska Gorgor

Warbixin ka koobnayd in ka badan 160 bog, oo ay diyaariyeen khubaro Qaramada Midoobeey u qaabilsan arrimaha cunna-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa looga hadlay diiwaangelinta ciidamada Soomaaliya.

Waxaa arrintaa lagu tilmaamay tallaabo muujineysa in Ciidamada Xoogga Soomaaliya ay AMISOM kala wareegi karaan howlaha nabadgelyada dalka marka la gaaro 2021-ka.

Qaybta nabadgelyada

Sida lagu qoray warbixin loo gudbiyay Golaha Amniga oo ay diyaariyeen Khubarada qaabilsan cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, waxaa lagu eegay hir gelinta qorshaha ku meel gaadhka Soomaaliya ee la qaatay April 2018, kaas oo ku talagalku yahay in masuuliyadda nabadgelyada lagala wareego AMISOM oo lagu wareejiyo ciidamada nabadgelyada Soomaaliya marka la gaaro 2021, arintaas oo ku beegmi doonta bixitaanka AMISOM.

Waxa intaa dheer in qiimeynta howlgalka gobolka ee AMISOM ee la sameeyay muddadii u dhexeysay March 2018 illaa January 2019, in laguna ogaaday in ay jireen 20,000 oo askarta dawlad goboleedyada ah oo aan hoos tagin taliska dawlada federaalka ah iyo dhismeyaasheeda.

Warbixintii AMISOM waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo xoogaga gobolku ay qaateen tabobarro hadana aanu mushaharka si joogto ah loo siinin oo aanay haysan qalab iyo gaadiidka asaasiga ah.

In ciidamada maamul goboleedyada ay qeyb ka noqdaan Hannaanka Qaran ee Nabad Gelyada, wuxuu muhiim u noqon doonaa suuro gelinta bixitaanka AMISOM ee la qorsheeyey. Khubaradu waxay haatan qiimaynayaan in ay suurto gal noqon karto bixitaanka AMISOM ee la filayo 2021.

Sida ku taal qoraalada ay gudida u soo bandhigtay dawlada Federaalka ahi waxay dhamays tirtay wejigii koobaad ee diiwaan gelinta ciidanka dabayaaqadii March 2019, taas oo ah tallaabo togan oo xagga nabadgelyada loo qaaday.

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo booqday mid ka mid ah xeryaha ciidamada Danab, 5 September 2019
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday mid ka mid ah xeryaha ciidamada Danab, 5 September 2019

La taliyaha madaxweyne Farmajo ee dhanka Amnig, Cabdisiciid Muuse Cali oo la hadlay BBC Somalu aya yiri: “Sidaad ogtahay ciidamada waxaa loo diiwaangeliyay si casri ah, akoonkooda waa la yaqaanaa, qoriga ay sitaan waa la calaamadeeyay waana la diiwaan geliyay”.

Khubaradu waxay derseen diiwaan gelinta saddex qaybood oo ka mid ah ciidanka qaybta 60-aad (Baydhabo), Qaybta 12-ka April (Mudisho), iyo Xerada Janaraal Gordon (Muqdisho), waxaanay is barbar dhigeen qoraallada diiwaan gelinta ee soo gaadhay SEMG oo uu ka muuqdo mushaharka kuwii la diiwaan geliyey illaa February 2019.

Lafa gurka arimahaasi wuxu muujiyey in wax ka yar kala badh askarta saddexdaa qaybood (315 ka mid ah 672) la diiwaan geliyey intii hawshaasi socotay.

Qaybta 60 (Baydhabo)

Bishii March ee sannadkii 2018-kii, taliye ku xigeenka qaybta 60-aad ee ciidanka Soomaaliya ee Baydhabo ayaa siiyey SEMG diiwaan uu ku yaal sida hubka loogu qabiyo iyo lambarka askar tiradoodu tahay 277 askari.

Tiradaas 277 askari ee qaybta 60-aad waxa loo qaybiyey hub 53 keliya oo noqonaysa shan meeloodow meel. Askarta ciidanka ayaa ku jiray diiwaanka bishii February 2019. Waxa markaa ay u muuqataa in shan meeloodow afar ka mid ah askarta qaybta 60-aad, waxa la ogaaday in aanay ku jirin diiwaanka oo aanay ka tirsanayn ciidanka.

In ay tahay goosasho, dhimasho, dhaawac ama wax kalee ilaa laatan lama helin wax suurto gal ah oo muujinaya sababta xukuumada federaalka Soomaaliya taagero u siin wayday gudida.

Qaybta 12-ka April (Muqdisho)

7 August 2018, waxa SEMG la siiyey muunayo laga qaaday qoraallada mushaharka la siiyay Ciidamada Xoogga Dalka, oo ku taariikhaysnaa 2017, oo ay ku jiraan magacyada iyo lambarka 384 askari oo ka tirsan qaybo kala duwan ee ciidanka qaybta 12-a April ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo ay ka mid yihiin Birjeex iyo Danab iyo guutada 2-aad iyo 4-aad .

Illaa 60 ka mid ah khubaradu waxay garteen in 262 askari oo qiyaastii saddex meeloodow laba wadarta guud ah oo magacyadooda iyo kaararkooda aqoonsigu ku jireen qoraalada lacag bixinta ee ku taariikhaysa February 2019.

Lafa gurku waxa uu sidoo kale iftiimiyey farqi weyn oo u dhexeeya askarta la diiwaan geliyey iyo kuwa qoran:

  1. Wadarta guud ee saraakiisa (saajin ilaa birigeediyer) oo ay ku jiraan kuwa ku qoran qoraallada 2017 waa 171. 156 ka mid ahi waxay ku jiraan qoraallada mushaarka lagu bixiyey oo markaa ay ka noqonayaan 91 boqolkiiba.
  2. 213 ka mid ah askarta qaybta 12-ka April oo darajadoodu gaar tahay ayaa lagu qoray diiwaankii 2017. 106 ka mid ah waxay ku jireen diiwaanka 2019 oo ka dhigan wax ka yar boqolkiiba 50.

Xerada Janaraal Gordon (Muqdisho)

Warqad ku taariikhaysan 17 May 2018, ayaa la taliyaha ciidamada Soomaaliya ku muujiyey 17 askri oo aan la diiwaan gelin oo kuwo tabobar ku jira loo qoray ay ku jireen xerada Janaraal Gordon.

Gudidu maysan helin wax barbar dhigan askarta diiwaan gashan ee ku jira diiwaanka mushaharka lagu bixiyo ee ku taariikhaysan February 2019.

Deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ee Guutada Danab ay qabsadeen

Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxay dejisay “siyaasado looga guuleysanayo Al-Shabaab dalka oo dhanna ay kula wareegeyso”.

La taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri: “Siyaasaddu waxa ay tahay, dowladaha na taageera waxay badankooda nagu taageersan yihiin la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay raban in dowlad Soomaaliyeed ay soo noqoto. Tiina waxay tahay in dowladda ay waajibaadkeeda ay gudaneyso.”

Laga bilaabo May ilaa August sannadkan 2019, AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka, waxay weerar ku qabsadeen tuulooyin istaraataji ah oo ku yaal Shabeellaha Hoose oo ay haysteen Al-Shabaab.

Hawl galada nabadgeyo waxaa si buuxda loogu qabsaday tuulooyinka Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Awdheegle oo dhamaantood 50km u jira Muqdisho.

Ciidamada Soomaaliya

Hawlgalladaas waxay matalayeen horumar muuqda oo lagu xajiijinayo nabadgelyada Muqdisho maadaama meelaha la qabsaday ay ahaayeen meelo laga soo galo oo uu soo maro gaadiidka Al-Shabaab u adeegsato daadgureynta dagaalyahannadeeda iyo walxaha qarxa ee Muqdisho lagu wado.

Hase yeeshee 14-kii August ee sannadkan, Al-Shabaab waxay qaadeen weerarro abaabulan oo ay la beegsadeen Awdheegle, iyagoo adeegsanaya saddex gaadhi oo walxaha qarxa lagu rakibay, madaafiic iyo askar.

Weerarkaa waxa dib u celiyey AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya laakiin saldhigaasi halis ayuu ku jiraa sababta oo ah Al-Shabaab ayaa jooga magaalada u dhaw ee Mubaarak halkaas oo hore loogu aqoonsaday in ay tahay goob lagu soo rakibo walxaha qarxa iyo gaadiidka lagu soo rakibo ee gala Muqdisho.

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo la wareegay Awdheegle oo dejinaya calanka Al-Shabaab
Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo la wareegay Awdheegle oo dejinaya calanka Al-Shabaab

“Ciidamada waxay la dagaallamayaa cadow, shacabka iyo dowladda halis ku ah”, ayuu yiri Cabdisiciid oo madaxweynaha la taliye u ah.

Wuxuu hadalka ku daray: “Ujeedada ciidan loo hubeynaayo ma ahan in cid kale lagu dhibaateeyo ee waxaa weeyaan in dalka iyo qarannimada iyo sharafta dadka Soomaalida ah lagu difaco. Ciidanku hadeynaan hubeysnayn oo qalabeysnayn, markaa waxaa la noqonayaa laba ciidan oo isku hub wata. Marka ma ahan nidhaamka caalamiga ah ee dowladnimada”.

Guusha mustaqbalka fog ee hawlgallada nabadgelyada Shabeelaha Hoose wuxu ku xidhnaan doonaa kartida dawlada federaalka ay ku samayn karto ciidamo halkaa jilibka ku aasta, iyo in maamul iyo adeega bulshada oo dadka halkaa degan loo fidiyo.

Ciidamada Ahlu Sunna ee lagu daray Ciidamada dowladda federaalka

Todobaadkii ugu dambeeyey bishii June ee sannadkan 2019, dawladda federaalku waxay shaacisay in koox wayn oo ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jamaaca – oo ah Suufiyada taageerada ka helayay Itoobiya oo la aasaasay 1991 isla markaana ah quwad adag oo ka hortagi karta Al-Shabaab – lagu darayo Ciidamada Amniga ee Federaalka.

In Ahlu Sunna Wal Jamaaca lagu daro ciidamada federaalku waxay matalaysaa talaabo muhiim ah oo xoogga Soomaaliya kagala wareegi karaan AMISOM masuuliyadda amniga dalka.

Diiwaan gelintii ciidamada Ahlu Sunna
Diiwaan gelintii ciidamada Ahlu Sunna

Guushaas waxay ku xirantahay sida dawlada federaalku u aqbasho dalabka kooxdaas ku doonayso in awoodda mamulka wax laga siiyo iyo dhaqaalaha, iyada oo aan waxba loo dhimin kartida Ahlu Sunna Wal Jamaaca kaga hortagi karto Al-Shabaab ama aan la faquuqin kooxaha kale ee siyaasadeed ee Galmudug.

Qorshaha ku meel gaadhka ee ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

16-kii February 2019-kii, taliyeyaasha milatari ee AMISOM waxay isla meel dhigeen arrimaha hawl gallada sida loo fulinayo iyada oo la raacayo xeerka hawl gallada ee 2018-2021, kaas oo la ansixiyey 26 November 2018-kii, isla markaana uu aqbalay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, 9 February 2019-kii.

Sida uu dhigayo xeerka hawlgallada, AMISOM waxay wadi doontaa bixitaankeeda iyo ku wareejinta masuuliyada ciidamada Soomaaliya mudadaa la cayimay:

  1. Akademi milatarioo Muqdisho ku taala ayaa lagu wareejiyey Ciidamada dawlada federaalka ah 28 February 2019. Illaa 500 oo ah ciidamada Burundi oo halkaasi fadhiisin u ahayd ayaa meel kale loo raray. 200 oo ka mid ah waxa la geeyey Maslax oo 20km dhanka bari ka xigta Muqdisho iyo 300 oo Jowhar la geeyey iyo saldhigyada hawlgallada jiida hore ee qaybta 5-aad.
  2. Bishii February 2019, qiyaastii 1,000 ciidamada Burundi ah oo fadhigoodu ahaa Hirshabeelle ayaa bilaabay bixitaankoodii qorshaysnaa taas oo waafaqsan shuruudaha ku yaalla faqrada 5-aad ee qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2431 (2018), bixitaankaa waxa la dhamaystiray 5 April 2019.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here