Walow mowqifka Britain ee ku aaddan xarakada ee Xamaas, uu ahaa mid cad oo dhammaan garabyadeeda siyaasadda iyo militari ku daray liiska argagixisada, haddane waxaa soo baxday in 30 sanadood ka hor xarakada Britain u aqoonsanayd urur iska caabinaya qabsashada Israa’iil, inkasta oo Britain ay Xamaas kaga aragti duwanayd qaabka loo wajahayo iska caabbinta. Arrintan ayaa lagu ogaaday waraaqo sir ah oo cusub oo la heley.
Dikumintiyada ayaa qeexaya in sannadkii 1993, ay Britain aqoonsatay saamaynta Xamaas ee gudaha Falastiiniyiinta taas oo horseedday wadahadal noociisa oo kale aanan hore loo arag, taas oo aanay ku farxin dhinaca Israa’iil iyo Ururka Xoraynta Falastiiyiinta ee Fatax ee uu xilligaas hogaaminayay hoggaamiyahooda geeriyooday ee Yaasir Carafaat.
Isla sannadkaas ayuu khilaaf salka ku haya qaabka loo qeexayo Xamaas waxa uu soo kala dhexgalay waaxda xiriirisa ammaanka iyo waaxda Bariga Dhexe ee qaabilsan cilmibaarista iyo faaqidada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee UK.
Maamulka oo xiriir amni oo joogta ah la lahaa waddamada kale oo ay ku jirto Israa’iil, ayaa xarakada ku u aqoonsaday ururka argagixis maadaamaa ay ku lahayd kacdoonadii dhacay intii u dhaxaysay 1987 iyo 1993.
Waaxda Bariga Dhexe ee Britain ayaa dhaqdhaqaaqa Xamaas u arkaysay “mid howlgalladiisu ay ku kooban yihiin weerrarada ciidammada Israa’iil ama bartilmaameedyada milateri ee dhulka la haysto”.
Waxa ay intaasi ku dartay in Xamaas “aanay weligeed howlgal argagixiso oo caalami ah aanay fulin, bannaankana aanay Israa’iil ka soo weerarin”.
Waxayse qeexday inay mudan tahay in lagu baraarugsanaado inuu jiro “farqi cad oo u dhaxeeya Xamaas iyo Xisbullaah”, iyadoo tilmaantay in ururka ay Britain gelisay liiska argagixisada 2019, “uu awoodo inuu falal argagixiso fuliyo iyo weliba kuwo milateri”, waa ururka Xisbullaahiye.
Waaxda Bariga Dhexe ayaa waxa ay intaasi ku dartay inay jiraan warar tibaaxaya in Xamaas “ay maleegtay howlgallo argagixiso oo ka dhan ah danaha reer Galbeedka.”. Hasayeeshee dhinaca kale ee arrintaas ka soo horjeeday ayaa sheegay “in aanay jirin wax caddaynaya arrintaasi”.
Iyadoo dhinaca kale tilmaamay kaalinta aan wanaagnayn ee Israa’iil iyo ururka Fatax ka qaateen buunbuuninta wararka noocaas ah ee la xiriira Xamaas.
“Israa’iil iyo ururka Fatax ayaa waxaa dan ugu jirto in sumcaddda laga dilo Xamaas, iyo in dhibaato loo abuuro taageerayaashooda gudaha iyo dibadda.” Waxaana ay waaxdu dhanka kale ka digtay in labadaas dhinac “ay ku talaxtageen arrinta xiriirka ka dhaxeeya Xamaas iyo Iiraan”.
Mareykanka oo noqotay goob ay gabbaad ka heshay Xamaas
Dhowr todobaad ka hor, warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil ayaa waxa ay ku andacootay in Xamaas ay “goob ammaan ah” ka heshay Mareykanka, xarakadana ay doonayso inay howlgalladeeda dhulka la hayto iyo gudaha Israa’iilba ay ka maamusho Mareykanka. Warbaahinta Mareykanka laga leeyahay ayaa ku celcelisay warbixinno ay ku taageerayaan sheegashada Israa’iil.
Inkastoo safaaradda Britain ee Washington ay warqad u dirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee London kula talisay in taasi “ay tahay iskuday Israa’iil oo oo ay ku doonayso inay ku wiiciso aragtida dadweynaha Mareykanka”.
Safaaradda ayaa bayaankeeda waxa ay ku soo xigatay wadahadal dhexmaray mid ka mid diblumasiyiinteeda iyo Ronald Shelcher, madaxa xafiiska argagixiso la dirirka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Diblumaasiga Britain ayaa soo xigtay Shelcher oo xaqiijinaya in “Israa’iil ay iskudayayso inay wax ka soo saarto meel aanay waxba ku jirin.”
Waxa uu caddeeyay in “ku dhawaad 20 qof ay ka howlgalaan Mareykanka, FBI-dana ay la socoto dhaqdhaqaaqooda”.
Dadka lagu sheegay sheegashada Israa’iil waxaa ka mid ah Dr Muusa Abu Marzuuq, kaas oo Mareykanka u jooga inuu PhD ku saabsan maamulka dhismayaasha ka qaato Jaamacadda Colorado.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidammada ammaanka ee Mareykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay “inuu qeyb ka yahay hoggaanka siyaasadda ee Xamaas.” Hasa yeehee sheegashada ah inuu ninkaasi ka mid yahay dadka koontoroolla howlgallada Xamaas ayuu ku tilmaamay “hadal aanan waxba ka jirin”.
Kulan ammaanka loogaga hadlayay oo heersare ah… iyo ujeedada Xamaas
Sidaas oo ay tahay dhaqdhaqaaqyada Xamaas ee gudaha Britain waxaa la socday ciidammada ammaanka.
Maalmo kaddib waxaa la qabtay kulan ammaanka loogaga hadlayay oo aad u heersarreeya oo la sheegay inuu “faa’iido” leeyahay, kaas oo ay ka qeyb qaateen waaxyaha ammaanka, ee Bariga Dhaw iyo Waqooyiga Afrika, iyo cilmibaarayasha iyo kuwa wax taxliiliyaaba, ee wasaaradda gaashaandhigga iyo hay’adaha kale ee ciidammada ammaanka. Shirkaas waxaa lagu eegayay xiriiradii ugu dambeeyay ee ay Israa’iil la sameeyeen ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Shirkaas ayaa waxaa ka soo baxay:
- Waxaa la caddeeyay Israa’iiliyiinta in aanay jirin wax caddaynaya sheegashada Israa’iil ee ku aaddan arrinta in taageerayaasha Xamaas ee ku sugan gudaha waddanka Mareykanka ay kaalin mug leh ka qaataan taageerada qulqulatooyinka ka dhaca gudha Israa’iil iyo dhulka la haysto.
- In aanay suuragal ahayn in la helo shakhsiga muhiimka ah ee Israa’iiliyiinta magaciisa sheegtay.
- 25-kii Febraayo 1993, xubin caan ah oo ka tirsan sirdoonka guud ee Israa’iil ee (Shin Bet) uu booqan doono UK si uu u wadahadal ula yeesho sirdoonka gudaha ee Britain MI5. Taas ayaa ah fursad kale oo meesha loogaga saari karo cabsida Israa’iil.
- Waxaa la isla ogolyahay in Xamaas aanay muujin ujeedo ay uga shaqaynayso meel ka baxsan Israa’iil iyo dhulka la haysto, iyadoo og dhibaatada falalka noocaas oo kale uga iman kara haddii ay dibadda wax ka sameyso taas oo wax u dhimaysa sumcadda ay arrintaas ku heshay.
- Sirdoonku waxa uu isla gartay in xog badan oo run ah aanay ku jirin wararka ugu dambeeyay ee tilmaamayay in iskaashi uu ka dhaxeeyo Xamas iyo ururro kale oo halis ah sida Xisbullaah si ay u dajiyaan weerraro ka dhan ah danaha reer Galbeedka.
Israa’iil dhabtii ma waxay caawisay Xamaas?
Waxaa dhanka kale soconayay dood ku saabsan sheegashada Israa’iil ee ah inay gacan ku siisay Xamaas wiiqidda awoodda Ururka Xoraynta Falastiiyiinta ee Fatax, islamarkaasna goyso xiriirka kala dhaxeeya Waaxda Bariga Dhexe ee Britain .
Warbixin loo diray kuxigeenka ergada Britain ahna qunsulka guud ee safaaradda Britain ee Tel Aviv ayaa lagu sheegay in “Waxa aan haynay oo dhan waxa uu ahaa war safaaxadda lagu qoray, oo qaarkood lagu sheegay in taageerada Israa’iil ee hore ee kooxaha asalraaca ah ay isu badashay kuwo foolxun.”
Warbixinta ayaa waxa ay tilmaantay in maqaal lagu qoray wargeyska Financial Times uu tibaaxayo in Xamaas ugu yaraan ay Israa’iil ka heshay dhiirrigelin 1970-meeyadii gaar ahaan Marinka Qaza xilli ay wadday olole ay ku xakamaynayso saamaynta uu lahaa Ururka Xoraynta Falastiiniyiinta, iyadoo qaar ka mid ah Falastiiyiinta ay u arkeen in Xamaas ay ka shaqaynayso danta Israa’iil.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “haatan aanay suuragal ahayn in shaki noocaas ah uu jiri karo”.
Waxaa jirtay furfurnaan iyo xiriir jawi degen ah oo ka dhaxeeyay Xamaas iyo Britain, waxaana dhacday in wefti ka socda Xamaas oo uu hoggaaminayo Ibraahim Qosheh uu la kulmay safiirka Britain ee Urdun, kulankaas oo ka dhacay hoyga rasmiga ah ee safiirka ee Camaan.
Mas’uulkan Xamaas ayaa Britain uga mahadceliyay taageeradii au Xamaas uga dhex muujisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay xilli loo codeynayay qaraaro kala duwan.