Dowladda Federaalka oo ciidamo u daabushay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay u daabushay Ciidamo gaaraya in ka badan boqol askari, kuwaasoo laga dejiyay degmada Luuq.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo oo Axmed Madoobe Magacaabay Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaadi ayaa sheegay in dowladdu ay ciidamo ka dejisay Luuq, isagoo uga digay dowladda inay ka huriso gobolka geliso dagaal dhiig ku daata.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada la geynayo Gobolka Gedo ay gadaal ka riixayaan labo nin oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya oo uu magacyadooda ku sheegay C/llaahi Kulane oo ah Kaaliyaha Taliyaha NISA iyo nin lagu magacaabo Zakariye.

Al-Qaadi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka aysan jirin sharci u ogolaanaya inay soo magacawdo maamul, dalkuna uu ka jiro nidaam federaal ah.

Dowladda Federaalka ayaa horay ugu guuldareystay isku day ay dooneysay inay Ciidamo Itoobiyaan ugu adeegsato doorashadii Madaxweynaha Jubbaland ee mar kale dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana haatan socda qorshe kale oo Maamulka Axmed Madoobe looga goynayo Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here