Dowladda oo ka jawaabtay eedeynta CC Shakuur iyo xiriirka Xasan Daahir Aweys

wasiir maareeye

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedyentii uu u jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in ay u ogolaatay in Xasan Daahir Aweys uu ku baaqo dilkiisa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda aysan wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah kala sameyn Xasan Daahir Aweys hadallada uu jeediyey.

“Arrintaas waxba kama jiraan, Xasan Daahir Aweys haddii uu xabsi guri ku jiro, xuquuq ayuu u leeyahay inuu telefon haysto, talefonkiisa ayuu ku hadlay oo uu hawada geliyey, taknoolajiyadda ayaana u saamaxday, ee dowladdu uma gayn media mana dhihin war soo duub, isagaa u arko in diintiisa lasoo weeraray.” Ayuu yiri Maareeye.

Maareeye ayaa sheegay inaysan jawaab mudneyn eedeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah inay la shaqeyso argagixisio, sababta oo ah buu yiri “dowladda oo dhan ayaa u taagan la-dagaalanka argagixisada.”

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay arrin diin ku lug leh ayaad ka hadashay, dowladda kuma dhihin hadal oo ka hadal arrin diin la xiriirta, kumana haysato. Waxaa ku haysta culimo, arrintanna ma ahan mid u baahan aftahnimo ee waxaan ku leeyahay is-bari yeel.” Ayuu yiri Maareeye.

“Arrin diini ah oo aanan kuu dirin ayaa culumadu kugu haysataa ee qaab diini ah uga bax” ayuu yiri Maareeye.

Maareeye ayaa ugu baaqay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu isku keeno guddi culimo ah oo eega hadalkiisa, kadibna haddii ay dhahaan dhib ma lahan, uu sidaas kaga baxo, haddii la yiraahdana qalad ayaad gashay, uu galo masjidka oo uu towbad keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here