Dowladda oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

taliyaha lugta

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo qaarkood dhawaan laga saarey Al-Shabaab.

Deegaannada ay dhaq dhaqaaqyada ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah tuulooyin hoostaga degmada Awdheegle, waxaana ku sugan Taliyaha Ciidanka Dhulka Cabdi Xamiid Maxamed Dirir & Guddoomiyaha Gobolka Shabelelaha Hoose Cabdi Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Xubno kale.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Ciidamada ay tuulooyin dhowr ah la wareegeen, isla markaana ay si buuxda Amniga u xaqiijiyeen.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada sidoo kale u diyaarsan yihiin inay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay uga saaraan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa istaagay guluf dagaal oo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose tan iyo markii isbedel lagu sameeyey Talisayda Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here