Dowladda oo war kasoo saartay dilkii Almaas Elman

almaas elman

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay dilkii Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman, taasi oo Arbacadi ku dhex geeriyootay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ay xabad kula dhacday.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda ay si adag u cambaaraynayso “ficilka lagu dilay” Almaas Elman. Almaas ayaa sida la sheegay waxaa ku dhacay xabad, aan illaa iyo hadda la garaneyn halka ay ka timid.

“Marxuumad Almaas Elman waxay ahayd gabar da’yar ah oo ka shaqeysa Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana aheyd diblumaasi Soomaaliyeed oo kasoo shaqeysay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.”

Dowladda ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan adag oo lagu soo qabanayo, islamarkaana cadaaladda lagu hor gaynayo “cidii ka danbaysay dilka gabadhaas qiimaha badan laheyd.”

Almaas ayaa markii xabadda laga soo saaray, waxay noqotay xabad ka mid ah rasaasta ciidamada Amisom, sida ay dad ku sugan Xalane u sheegeen.

Ma cadda haddii xabadda laga dhex riday xarunta Xalane, iyo inay banaanka ka timid. Si kastaba markii ay xabadda ku dhacday waxay saarneyd gaari dhex socday xarunta Xalane, waxaana xabadda ay kaga timid dhinac dambe.

Hoos ka aqriso qoraalka dowladda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here