Dowladda Somalia oo war kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno Al-Shabaab ah

AlShabaab drone

War-saxaafadeed kasoo dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay Arbacadii galabta duqeyn ku dileen xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Galab Arbaco, taariikhduna tahay 19-ka Febraayo, 2020 ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa bahwadaageeda Melatariga Dawlada Mareykanka ayaa weerar dhanka cirka ku qaaday mintidiinta Al-Shabaab deegaanka Wadajir oo u dhaw Jilib” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Duqeyntaas ayey sheegtay dowladdu in lagu dilay seddax ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray dad rayid ah, sidoo kale waxaa lagu sheegay warkan in si buuxda loo baari doono eedeymo la xariira in dad rayid ah lagu dilay duqeymo horay loo fuliyey.

“Duqeyntan oo aad looga baaraandegay ayaa waxa lagu dilay saddex ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab.Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka ayaa qaada taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga waxyeelada rayidka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda argagaxisada ah iyada oo si buuxda loo baarayo eedaymaha lasoo wariyo” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay war-saxafadeedkan in saakay Al-Shabaab weerareen degmada Qoryooley oo aysan markaas joogin AMISOM iyo ciidanka dowladda toona, sida lagu yiri qoraalka.

“Subaxan ayay Al-shabaab weerareen degmada Qoryooley iyada oo aysan magaalada ku sugnayn Xoogga Dalka iyo AMISOM toona. Dadka reer Qoryooley ayaa iskaga caabbiyey qoryahooda caadiga ah, kuna qasbay Al-shabaab in ay dib-ugagurtaan aaggaa. Al-shabaab way sii wadaan weerarrooda fuleynimada ee ay ku qaadayaan shacabka aan waxba galabsan iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadeed caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka oo English ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here