DOWLADDA SOOMAALIYA IYO URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO HESHIIS CUSUB KALA SAXIIXDAY

siciid x maxud iyo amb tarig ali bakheet

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka u ogolaatay in uu xarun Ergo-goboleedka furto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah Ururka Iskaashiga Islaamka Muqdisho kula saxiixatay heshiis cusub oo ku saabsan in la unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Saciid Xaaji Maxamuud oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here