Dowladda Soomaaliya oo ciidamo kumaaandoos ah geysay Dhuusamareeb

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Waxaa markale saaka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ka degay labo diyaaradood oo siday ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee Kumaandooska dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadan lagu xoojinayo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay hordhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha oo laga yaabo inuu dib ugu laabto Galmudug

Shalay ayey aheyd markii 60 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda la geeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dhaq dhaqaaqyadani ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu sii xoogeysayo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Khilaafka ayaa ka dhashay magacaabista guddiga farsamada doorashada Galmudug oo ay ku dhawaaqday dowladda dhexe, kadibna ay ka hortimid Ahlu Sunna.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse dowladda Soomaaliya ayaa tan markii ay la wareegtay howlaha Galmudug waxa ay ciidamada badan geysay maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here