Dowladda Soomaaliya oo diyaarado gargaar sida u direysa deegaanada fatahaaduhu sameeyeen

diyaarad gargaar

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in diyaarado sida gargaar u dirto deegaanada ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka ee Gobolada Hiiraan, Baay iyo Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan magaalooyinka gargaarka la gaarsiin doono ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Beledweyne, Baardheere iyo Bardaale oo dhowaan roobab daadad watay uu saameeyay boqolaal qoysas ah.

Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa ku fatahay deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana fatahaadaas ay sababeen in kumanaan qoysas ka barakacaan guryahooda, kuwaasoo la soo deristay xaalado nololeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladdu ay dhowr diyaaradood oo gargaar sida ay u diri doonto magaalooyinka ay xaaladaha bani’aadanimo ka jiraan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dadaalo aan loo kala harin oo gurmad ah waxay ka wadaan gudaha dalka iyo dibaddiisa, si ay ugu gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha wabiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here