Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay hub iyo gaadiid dagaal

qarameyn ciidamada ahlusuna2

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo maanta gaaray degmadaasi ayaa si wadajir ah u la wareegay hub fara fara badan, gawaari iyo maleeshiyaadkii isticmaalayay.

Ciidamadan ayaa la sheegay in la Qarameyn doono, islamarkaana lagu biirin doono kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in dhawaan la diiwan gelinayo maleeshiyaadkaasi, ayna heli doonaan tababaro dheeraad ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo xoogan oo dowladdu ay ku dooneyso in lagu mideeyo Galmudug, laguna heshiishiiyo Beelaha daga gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Dhawaan ayey aheyd markii Ra”iisul wasaare Khayre uu Kooxda Ahlu-Sunna kala wareegay ciidamo, kuwaas oo si rasmi ah loogu daray kuwa xooga dalka Soomaaliyeed.

SAWIRO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here