Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday dhammaan duulimaadyada caalamiga ah

garoonka muqdisho adan cade1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Caalmiga ah ee Soomaaliya iman jira

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo marka la gaaro dhammaadka maalinta 18 bisha Maarso lix saac habeenimo la joojiyey dhammaan duulimaadyadii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inuu amarkaan soo baxay kadib markii uu kulan deg deg ah isugu yeeray Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono dhammaan dhulka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray inay Dowladda Soomaaliya fasixi doonto kaliya duulimaayada xagga bini’aadanimada iyo kuwa gargaarka.

Go’aankaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus laga helay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska.

Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha

Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here