Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay shirweynaha uu iclaamiyey madaxweyne DENI

wasiir maareeye

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo xalay ka qeyb galayey barnaamij gaar ah oo looga hadlayey waxqabadka dowladda ee saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku saabsan shirka uu dhawaaqay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso shirkaasi oo ah mid guud ah wadatashi ah.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey inay ka bixi doonaan natiijooyin muhiim ah oo waxtar leh Ummadda Soomaaliyee, gaar ahaan reer Puntland.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni inuu ka shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, islamarkaana uu muujiyo tanaasul.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo muddo soo dheer soo jiitamayey.

Jimcihii ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland oo ay dhinac taagan yihiin golihiisa wasiirada uu iclaamiyey shir looga hadlayo aayaha maamulkaasi, kaas oo uu ku marti qaaday siyaasiyiinta, waxgaradka, aqooyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here