DOWLADDA SUCUUDIGA OO AQOONSATAY BAASABOORKA SOMALILAND SI AY UGU CADAADISO QATAR

boqor salmaan martida xajka saylici 2018

Wargeys ka soo baxa dalka Turkiga ayaa banaanka keenay xogo ku aadan in dowladda Sucuudigu aqoonsatay baasaboorka maamulka Somaliland iyadoo cadaadis ku saaraysa dalka Qadar.

Boqortooyada Sucuudiga oo kaashanaysay Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay tallaabadaan qaaday kadib markii dowladda Qadar ay xoojisey maalgashiga ay ka samaynayso qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wargeyska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qatar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya.

Tallaabadaan oo meel kadhac ku ah jirintaanka iyo qaranimada Soomaaliya ayaa waxa uu Sucuudigu qaaday kadib markii dowladda Qatar ay maalgashi ku samaysay dekedda Hobyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here