Dowladda UK oo go’aan ka soo saartay xawaaladaha Soomaalida

dollar

Inkastoo dadka lagu adkeynayo iney wali kala fogaadaan maadaama xaalad adag lagu jiro, haddana Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay iney sidii caadiga aheyd u shaqeyn doonaan xawaaladaha lacagta la isugu diro.

Dhaq-dhaqaaqa xawaaladaha waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxeyna arrintaas keentay hoos u dhac dhanka dhaqaalaha si la mid ah nolosha bani’aadamka.

Ingiriiska wuxuu ka mid yahay waddamada laga helay kiisaska ugu badan COVID-19, sidoo kalana waa wadanka labaad ee dadka ugu badan ay ku geeriyoodeen sida lagu shaaciyay warbixintii ugu dambeysay ee la qoray.

Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa tallaabadaan ku tilmaantay mid u ogolaaneysa dadka Soomaalida ee ku nool wadanka galbeedka Yurub ku yaala iney taageeraan qoysaskooda ku nool gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyay in dalka uu khasaari karo 5 Bilyan oo Dollar sabab la xiriirta COVID-19, haddii uusan helin kaab dhaqaale oo dibadda kaga yimaada.

Qoysas badan oo ku noo Soomaaliya ayaa ku tiirsan kaalmo dhaqaale oo kaga timaada dibadda, UK ayaana ka mid ah wadamada ugu badan oo ay Soomaalida wax ka sugaan, waxaana nolosha dadka halkaas ku nool ciriiri galiyay caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here