Dowladda UK oo joojineysa taageero muhiim ah oo ay muddo Somaliland siin jirtay

uk

Dowladda Ingiriiska ayaa gebi ahaanba joojineysa taageeradii balaadhneed ee ay siin jirtay ciidamada Somaliland ee la dagaalanka argagixisada ee RRU, SPU iyo CTU.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa si rasmiya u shaaciyay in Dowladda Ingiriisku ay gebi ahaanba taageeradaasi ay ka joojin doonto, marka la gaaro 31-bishan March ee sanadkan 2020.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in Kaalintaasi muhiimka ah ee ay UK uga baxeyso Somaliland loo baahan yahay in uu buuxiyo Midowga Yurub, xili uu garabkiisa fadhiyo ergeyga Midowga yurub ee Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa taageero badan oo maaliyadeeda ku bixin jirtay Ciidamada RRU, SPU iyo weliba CTU, oo loogu talo galay la dagaalanka Argagixisada, inkasta oo muddooyinkii dambe ay xukuumadu u adeegsan jirtay beegsiga dad gaar ah.

Ciidamadaasi oo ka tirsan Booliska Somaliland, ayaa badanaa waxa loo adeegsada beegsiga dadyowga ka soo horjeeda siyaasada dowladda, kuwaasi oo ay ugu daatan guryahooda, sida dhowr jeer ku dhacday Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Lamana oga in Midowga Yurub uu kaalintaasi buuxin doono kadib dalabkaasi uu maanta u jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here